Weerar Culus Oo ka dhacay Saldhiga Ciidamada Kenya Ee Lamu

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Ciidamo katirsan Xarakada  Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha dhulka Kenya  ayaa fuliyay weerar culus oo ay ku qaadeen saldhig ciidamada Booliisku ku leeyihiin gobolka Laamu ee dhaca Xeebta.

Ciidamadan waxay weeraraeen saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Mararaani oo hoostaga Laamu, waxaana ka dhacay goobta dagaal kulul.oo Khasaare aan tiradiisa la ogeyn sababay.

Al-shabaab ayaa sheegatay iney Ciidamadooda ka dagaalama gudaha kenya ka danbeeyeen weerarkan lagu qaaday saldhig ciidamada Booliisku ku leeyihiin gobolka Laamu ee dhaca Xeebta.

Ciidanka dowladda Kenya ayaa weerarka kadib howlgal ka bilaabay deegaano hoos yimaada degmada Laamu ee dalka Kenya, ka dib markii ay soo baxday cabsi ku aadan in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku sugan yihiin degmada Lamu.

Taliyaha qeybta Booliska Laamu ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weerar dhabagal ah u geysta ciidanka dowladda ee ku sugan xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here