Ku dhawaad 10 Ruux Oo ku dhimatay Rabshado ka dhashay Doorashada Somaliland

0
????????????????????????????????????

Dhalinyaro careysan oo aha taagerayaasha Xisbiga mucaaradka fog ee Wadani oo isugu soo baxay  Magaalada Burco ee xarunta Gobalka Togdheer  ayaa  la soo warinayaa in ay isu dhaceen ciidamada ammaanka, kadib marki ay halkaasi ka dhigeen bananbax ay ka cabanayeen wax is daba marin la sheegay inay ku dhaqaqeen gudiga doorashooyinka Somaliland.

Video lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad caraysan oo magaalada Burco dhax yaacaya waxayna taageerayaasha mucaaradku ka cabanayaan in lagu shubtay doorashooyinkii madaxtinimo ee 13-kii bishaan ka dhacay dhammaan deegaannada gobollada Waqooyi galbeed.

Ciidamada amaanka Somaliland ee dibadbaxayaashi ka hortagayay ayaa la sheegay inay rasaasta nool nool adeegsadeen, taasina ay dhalisay dhimashada in ka badan Sideed ruux halka tiro intaa ka badan ay ku dhawacmeen rasaastaasi.

Shaqaaqooyinka xalay ka kala dhacay Burco iyo Hargeysa, ayaa si guud looga dareemay Degaanada Somaliland, iyadoo dadkuna ay walaac ka muujiyeen shaqaaqooyinkaasi.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here