Dagaal Qaraar Oo ka Soconaya Deegaanka Lafoole ee Gobalka Sh/hoose

0

Dagaal u dhaxeeya  Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa haatan ka socda degaanka lafoole ee Gobalka shabeelada hoose.

Dad ku sugan degaanka lafoole oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen fariisimo ciidamada dowlada Somaaliya ay ka lahayeen deegaanka , Dagaalkana iminka uu ii baahayo Xaafadda Xaawa Cabdi ee isla Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa intaasi ku daraya iney maqlayaan dhawaqa rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaaf sanayaan, balse aysan xaqiiji Karin qasaaraha rasmiga ee soo kala gaaray labada dhinac.

Waxii kusoo kordha Dagaalka waan idinla soo wadaagi doonaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here