Weerar Lagu Qaaday Kolonyo ay la Socdeen Xubno ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka

0

Dagaal-yahanada katirsan Xarakada Al-shabaab ayaa wadada u galay Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta booqday  Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa Furamaha Dagaalka ee Labada Gobal ee Shabeelooyinka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarka jid gooyada ahaa ee Al-shabaab u dhigeen Kolanyo galbineysay Xubno tirsan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, balse wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu wali ka socdo degaanka lafoole ee Gobalka Sh/hose.

Taliye ku xegeenka Saldhiga deegaan weynaha Ceelasha biyaha Toban tonle oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in Ciidamo gurmad ah iminka ay ku wajahan yihiin halka uu dagaalka ka socdo, waxuuna intaasi ku daray Mas’uuliyiinta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iney ka weeciyeen wadadii ay ku socdaalayeen oo la aadiyay wado kale si amnigooda loo ilaaliyo.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka oo sheegaya in qasaare xoogan uu soo kala gaaray dhinacyad halkaasi ku loolamaya, Wararka ayaa intaas ku daraya in hadda xoogaa ay iskala baxeen labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo xaafadaha isla markaana ay Bannaanka isla aadeen in kastoo xabadaha Wiiftada ah la sheegayo in ay soo gaarayaan goobaha ay dadku degganyihiin

                                   Waxii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here