Hogaamiyihii Mucaaradka Dowlada Syria oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed

0

Hogaamiyahii  jamhada islaamiga ee mucaaradka dalka Syria kaasi oo lagu magacaabi jiray  Zahran Alloush  ayaa lagu dilay duqeyn laga fuliyey magaalada dimishiq ee xarunta suuriya.

Zahran Alloush  ayaa ahaa Taliyihii ugu fiicnaa ee hogaamiye u soo noqday kooxda islaamka ah ee mucaaradka dalka syria ka dagaalanta.

Dhanka kale Degmada Eastern Ghouta oo hoostakta magaalada dimishiq ee suuriya ayaa hogaamiyaha lagu dilay sida lagu baahiyay warbaahinta dalalka syria.

Dowlada suuriya Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha  dowlada syria  ayna ku dileen hogaamiyihii kooxda mucaaradka hubeysan ee Syria.

Warar kale oo warbaahinta haleyso ayaa sheegaya in hogaamiyaha ay duqeeyeen diyaaradaha Russia.

Source: Al-Jazeera

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here