Dowlada Kenya oo ka Hadashay Weerar lagu dilay Sarkaal Kenyan ah

0

Dagaal yahano ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gawaari oo ay la socdeen ciidanka kenya oo marayay Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana dagaal yahanada weeraray ciidankaasi lagu qiyaasay ilaa iyo 10 dagaal yahan.

Weerarkaan ayaa dhacay galinkii  dambe ee shalay oo jimco ah sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeen u hadlay booliska Kenya.

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay  dhimashada hal sargaal oo ka mid ahaa ciidanka booliska Kenya.

Afhayeenka dhanka howl-galada aL-shabaab  Abu Muscab ayaa reuters u xaqiijiyey in weerar ay ku qaadeen kolonyo gaawaari oo ay la socdeen ciidanka booliska Kenya ay ku dileen saraakiil sar sare oo ciidankaasi ka tirsanaa.

Al-shabaab ayaa weeraro badan ku qaaday ciidamada Kenya ee ka midka ah howl-galka Amisom tan iyi sanadkii 2011-kii markaasi oo ciidanka Kenya ay ka mid noqdeen Howlgalka Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here