Wararka ka imaanaya degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in gudaha degmaas loogu dhawaaqay Maamul cusub oo la Magac-baxay Bakool Sare.
Munaasabada loogu dhawaaqay Maamulka cusub waxaa ku sugnaa xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya oo kasoo jeeda Gobolada Bakool, iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Bakool kuwasoo intooda badan sheegay in waqti ku haboon la sameeyay Maamulka Bakool Sare,
Maamulka Cusub ayaa ka kooban degmooyin kala ah Yeedh, Ceel Barde, iyo aato waxaana madaxweyne ka ah maamulka cusub Axmed sheikh Maxamed laxoos oo ku Magac dheer Axmed Mashruuc isagoo saxaafada la Hadlay ayuu sheegay in mudo 3-bilood ah lagu howlanaa sameynta Maamulka Bakool Sare.
Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Koonfur Galbeed soomaliyeed ay kaga Hadlaan sameynta Maamulka cusub ee la Magac-baxay Bakool Sare oo loogu dhawaaqay Degmada Ceel Barde.
Halkaan Hoose ka dhageyso

