Kooxo Hubeysan oo Saakay ku dilay degmada dharkinley Sarkaal ka Tirsanaa Waaxda Canshuurta

0

Wararka naga soo gaaraya Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudaha degmadaas Saakay  lagu dilay sarkaal ka Tirsanaa waaxda canshuurta dowlada Hoose.

Dad ku Nool Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kooxo ku hubeysan  bastoolada  ay dileen ninkaan la sheegay in uu ka Tirsanaa waaxda Canshuurta dowlada Hoose,

Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Degmada dharkinley ay kaga hadlayaan dilka saakay ka dhacay Gudaha degmada dharkinley ee loo geystay sarkaal ka Tirsanaa Waaxda canshuurta.

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here