Akhriso: Aqalka Sare oo Dood Kulul Yeeshay iyo Sanataro Taageeray Golaha Iskaashiga

0

Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista Khilaafka Dowladda Soomaliya iyo dowladd goboleedyadda ka dhaxeeya kaasi oo haatan gaarsiisan meel aad u xun.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya Xildhibaana Cabdi Xaashi C/laahi.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamanka Federaalka Soomaliya  ayaa ku kala qeybsan sharcinimada tallaabooyinka ay ku kaceen maamul madaxda goboleedyada, waxayna qaarkood cudurdaar u sameeyaan madaxda maamullada iyagoo difaacay tallaabooyinka ay qaateen.

Halkaan Hoose ka Akhriso Hadaladii qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare.

  1. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) ayaa ku dooday in golaha ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada uu ku yimid cabsi ay ka qabaan faragelin uga timid dowladda Federaalka, kuna dhisan yahay cabsi iyo is difaac.

 

  1. Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa difaacday maamulka Galmudug iyagoo dowladda ugu baaqday inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamulkaasi.

 

  1. C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mida senatarada Aqalka Sare ayaa isagu sharci darro ku tilmaamay golaha ay dhiseen maamul Goboleedyada ee Iskaashiga la baxay, wuxuuna caddeeyay in jirin wax Gole iskaashi la yiraahdo oo sharci ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here