Faah-faahin:-Weerar Ka Dhacay Xadka Soomaaliya Iyo Kenya.

0

Inta la xaqijiyay 5 qofood ayaa ku dhaawacantay  weerar Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen inta u dhaxeysa deegaanada Bodhei iyo Ijara kuwaa oo dhaca Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan una dhaxeysa jaziirada Lamu Iyo Garisa.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in dadka la weeraray ay ahaayeen kuwa rakaab ah oo saarnaa gaari marayay deeganada xadka ee u dhaxeeya labada dal.

Taliyaha ciidamada Howlgalka Boni Joseph Kanyiri ayaa sheegay in cidamadu ay gaareen goobta weerarka lagu soo qaaday iygoo tilmaamay in dableydii hubeysneed in ay u baxsadeen dhanka keymaha, waxaana uu intaa ku daray in u gaarsan ragii weerarka soo qaaday.

Dadka rakaabka ah ee dhaawaca uu ka soo gaaray rasaastii lagu furay ayaa loola carayay xarumaha caafimaad ee Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here