Wasaaradda Amniga oo Shacabka ugu Baaqday Inaysan Niyad Jabin+Dhageyso

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Muqdisho in aysan niyad jabin kadib qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya  Maxamed Abuukar Ducaale Islow  ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya iyo shacabka Soomaliyaa ay si wadajir ah isaga kaashadeen musiibadii 14-kii bishaan ka dhacday isgoyska Zoobe ee Magalaada Muqdisho, kadib Gaari TM ah oo qarax lagu soo xirey oo ku qarxay isgoyskaas.

“Xildhibaanada Golaha shacabka, aqalka Sare, dhamaan  madaxda Dowladda Soomaliya, shacabka Soomaliyeed, waxaan ugu mahadcelinayaa dadaalkii ay ku bixiyeen u gurmashada shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay, yaan la niyad jabin”, ayuu yiri wasiirka Amniga gudaha Soomaliya.

358-qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen  kadib markii gaari TM ah oo qarax lasoo saaray uu 14-kii bishaan ku qarxay isgoyska zoobe ee Magaaladda Muqdisho, mana jirto ilaa haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here