Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ugu baaqday shacabka magaalada Muqdisho in aysan niyad jabin kadib qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya iyo shacabka Soomaliyaa ay si wadajir ah isaga kaashadeen musiibadii 14-kii bishaan ka dhacday isgoyska Zoobe ee Magalaada Muqdisho, kadib Gaari TM ah oo qarax lagu soo xirey oo ku qarxay isgoyskaas.
“Xildhibaanada Golaha shacabka, aqalka Sare, dhamaan madaxda Dowladda Soomaliya, shacabka Soomaliyeed, waxaan ugu mahadcelinayaa dadaalkii ay ku bixiyeen u gurmashada shacabkii ku waxyeeloobay qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay, yaan la niyad jabin”, ayuu yiri wasiirka Amniga gudaha Soomaliya.
358-qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari TM ah oo qarax lasoo saaray uu 14-kii bishaan ku qarxay isgoyska zoobe ee Magaaladda Muqdisho, mana jirto ilaa haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

