Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaso ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii shalay ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira.
Madaxweyne C/wali Gaas ayaa sheegay in war-murtiyeedka uu ahaa mid ku haboon waqtigiisa islamarkaana qodobada ku qoran ay ahaayeen kuwa wax dhisaya.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xukunto Xamar oo kaliya inta kale ay hoostagaan Maamul Goboleedyada Soomaaliyeed.
“Dalka Soomaliya markaan ka hadlayno Dowladda Dhexe waxay ka talisaa Xamar oo kaliyah, Hiiraan markaan aadno waa Hir-shabeelle, Jaziira markaan aadno waa Koonfur Galbeed Soomaliya,dalka intii badan waxaa gacanta ku haya Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira,mas’uuliyad ayaan naga saaran, taasi ayaa na faraysaa in aan cidna ugu noqonin, cidna aan ugu hoos imaanin, iyadoo dastuurka la dhowrayo,dowladda Dhexe waxa soo dhisay Dowladd Goboleedyadda”,ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu digay Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay ka shaqeyso sidii xilalka loogu tuuri lahaa Madaxda Dowladd Goboleedyadda uu oo sheegay in dhibaato badan laga soo maray.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in qaraxii dhawaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho dowladd loogu baahnaa In ay jawaab culus ay ka bixiyo intii ay ku mashquuli laheyd Dowladd goboleedyadda.

