Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Maanta Gaaraya Magaalada Jowhar Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta la Filayaa in ay gaaraan Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelah dhexe .

Xasan sheikh Maxamuud ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan isagoona kulamo kula lahaa odayaasha. Iyo waxgaradka Magaalada beledweyne  ee kasoo horjeeda in shirka maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhankale warar soo baxaya ayaa Tilmaamay in la isku Fahmi waayay kulamadii u dhaxeeyay Madaxweyanaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo odayaasha, waxgaradka, iyo siyaasiyiinta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa Haatan laga dareemayaa Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe waxaa Haatan ku sugan Magaaladaas siyaaasiyiin iyo wasiiro ka Tirsan xukuumadda Soomaliya oo shalay gaaray magaalada Jowhar,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here