Laacibka qadka dhexe ee kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya In uu heshiis waqti dheere ah u kordhin doono kooxdiisa arsenal,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Germany Ozil ayaa xili ciyaareedkaan Bandhig wanaagsan ka muujinaya Horyaalka dalka ingiriiska isagoona caawiyay 15-Goal 16-kulan uu kasoo muuqday kooxda Magaalada London wuxuuna 9-caawin ka sareeyaa xidigaha Leicester’s Riyad Mahrez iyo laacibka kooxda Everton Gerard Deulofeu
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiiska laacibka Germany uu kula jiro kooxda arsenal in uu dhici doono dhamaanto sanadka 2018-ka laakin 27-jirkaan ayaa sheegay in uu ad u jecel yahay Nolosha Magaalada London ,

