Warbixin ay soo saartay Hay’ada socdaalka aduunka ee IOM ayay ku sheegtay In ugu yaraan 1-million oo qof oo qaxooti ah ay galeen wadamada Yurub waana mid ka sareysa afar Laab dadkii wadamada Yurub galay sanadkii 2014-kii.
Dadka wadamada Yurub Galay sida Ingiriiska, Sweden, Norway waxaa u badan dadka u dhashtay wadamada Syria, Afghanstan. Ciraaq, iyo soomaliya kuwasoo ay ka jiraan dagaalo iyo colaado sokeeye.
Dhanka kale Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay In 800,000-kun oo dadkaas kamid ah ay wadamda Yurub ay ka geleen wadamada Greece-ga iyo Turky-ga iyadoona 3,700 qof ay ku dhinteen badda Mediterranean. Iyagoo isku dayayay in ay gaaraan wadamada Yurub,





