Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda duulista Hawada Maamulka Puntland.

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr:  C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa lagu  magacaabay agaasimaha cusub ee wasaaradda duulista hawada Maamulka Puntland.

Xilka Cusub ee  agaasimaha wasaaradda duulista hawada Maamulka Puntland waxaa loo magacaabay Cali Yuusuf ( Xoosh) oo kamid ah dadka inta badan laga yaqaano deegaanada Maamulka Puntland isagoona sidoo kale ahaa barre wax  dhigayay Jaamacadaha deeganada maamulka Puntland.

Cali Yuusuf ( Xoosh)  Agaasimaha cusub ayaa buuxindoona booskii uu baneeyay agaasimihii hore ee wasaaradda duulista Hawada Maamulka Puntland  allaha unaxariistee Rooble Faarax Ciise oo dhawaan geeriyooday.

Dhanka kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada maamulka Puntland Xasan Xaji Saciid ayaa sheegay in Garoonka diyaaradaha Boosaaso xarigga laga jaridoono 8-da bisha Janaayo ee sannadka Cusub 2016-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here