Shabeel weerar waxyeelo geestay ku qaaday dad ku sugnaa walaweyn

0

Shabeel ayaa weeraray dad ku sugnaa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu idaacada Simba u xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka.

Shabeelkan ayaa lagu soo waramayaa in hal qof uu dilay, halka Todobo qof oo kalena uu ku dhaawacay Xaafadda Caanoole ee Degmada Wanlaweyn, kadib markii caruur meel ku ciyaareysay uu kusoo weeraray.

Dadka qaar ayaa isku dayay inay ka badbaadiyaan caruurta yar yar, waxaana Shabeelka uu isku wada maray caruurtii yar yaraa iyo dadkii waa weynaa ee isku dayayay inay caruurta badbaadiyaan.

Ugu danbeyntii shabeelkii waxyeelada u geestay todobada quf ayaaa la toogtay , kadib markii ay toogeen Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here