Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Kaniisad Ku Taala Mombasa

0

Dabley hubeysan ayaa weerar  ku qaaday kaniisad ku taala deegaanka Ukunda oo dhacda   koonfurta magaalada Xeebta ah ee Mombasa ee dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa  sababay dhimashada 2 ka tirsan ciidamada Police-ka oo iyagu ilaalo ka ahaa kaniisadaasi.

Madaxa ciidamada Magalada Mombasa Larry Kiyeng ayaa sheegay kooxaha weerarka soo qaaday oo mooto saarnaa in ay rasaas ku fureen ilinka kaniisada laga galo kuwaa oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee loo yaqaano AK-47-ka sida uu warbaahinta u sheegay.

Waxaa taliyaha  ciidamada uu intaa ku daray in mid kamid ah uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska isagoo sheegay in weerarka uu dhacay xili xubno katirsan Al shabaab laga cabsi qabay kuwaa oo deegaanka ku dhuumaaleesanayay.

Dagaalyahanada xarakada al shaab ayaa tan iyo sanadii 2011-kii xiligaa oo ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha dalka somaliya waxa ay weerar dhiig badan ku daatay ka geesteen gudaha dalka Kenya iyo deeganaada xuduuda la ah soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here