Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska Xamar Weyne oo Xilalka Laga Qaaday

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo bandhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen  weerarkii isbuucii hore ka dhacay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir oo lagu qaarijiyay Xubin ka Tirsan Ururka haweenka qaranka Soomaliyeed.

Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in baaritaan uu ku socdo gaari looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay falkaas.

Waxa uu sheegay in cadeymo furo u noqon kara kiiska, ay dib kasoo sheegi doonaan marka uu baaritaanka soo dhamaado.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac.

“Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ee degmada Xamar weyne xabsiga ayaa la dhigay, xilalkana waa laga qaadaty, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay 12 askari oo ku kala qornaa labo isgoys oo midna weerarka ka dhacay, midna ku dhowaa, waxaa ku raad-joognaa askar kale oo ku qorneyd labada Isgoys”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo laga qaadi doono Taliyeyaasha iyo askartii dayacday shaqadii loo xil saaray ama ka gaabiyay waajibaadkooda.

“Waxaa baaritaanka kiiskan u xil saarnay Guddi ka tirsan Taliska Booliska, sida ugu dhaqsiyaha badan halagu soo gaba gabeeyo, dambiilayaasha lagu horkeeno cadaalada, waxaa jiri doono isla xisaabtan iyo dabagal lagu hubin doono shaqada iyo howlaha ciidamada ammaanka, mana jiri doono mas’uul aan gudan waajibaadkiisa oo xil sii heyn doono”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Gaariga lagu rasaaseeyay  Todobaadkii aynu soo dhaafnay  Degmada Xamar weyne ayaa waxaa laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, waxaana rasaasta lagu furay ku geeriyooday Canab C/llaahi Xaashi oo aheyd Xoghayaha Ururka iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha oo lagu magacaabayay Axmed Shariif Jaamac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here