Gudoonka Golaha Shacabka ayaa ku wergeliyay xildhibaanada baarlamanka Federaalka Soomaliya in uu baaqday kulankii maanta ay ku yeelan lahaayeen xarunta golaha shacabka ee Magaaladda muqdisho.
Kulanka ayaa loo baajiyay arimmo deg deg ah oo soo kordhay aawgeed,walina lama shaacin sababta dhabta ee ka danbeysa baaqashada kulanka.
Gudoonka golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya Inta uusan baaqan kulankaan ayuu ku wargaliyay xildhibaanada laba ajando oo ay kawada doodi doonaan,labadaas ajande oo kala ah:
1.Warbixinta Heshiiska isdhaafsiga Maxaabiista xukuman ee Soomaaliya iyo Hindiya
2.Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda(PFM).

