Ciidamada Amaanka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Maanta Xabsiga dhigay Wariye Ismaaciil Cabdi sabriye oo u shaqeeya Tv-ga Universal Tv xaruntiisa Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.
Iskastoo Maanta ay dibadbaxyo ay ka dhaceen Gudaha Magaalada jowhar lama ogo sababaha ka dambeeyay xariga wariyaha ka Tirsan Tv-ga Universal ee Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.
Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Magaalada jowhar ee kaga hadlayaan xariga loo geystay wariyihii Tv-ga Universal Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe Ismaaciil Cabdi sabriye.

