Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo maanta gaaray Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa Magaaladaas kulamo kula leh odoyaasha, waxgaradka iyo Maamulka cusub ee Gobolka Hiiran,
Wafdiga Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud waxa kamid ah wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa wasiiru dowlaha madaxtoyada xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaalia.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar yuusuf Daba-geed oo shalay loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo odoyaasha kasoo horjeeda in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Odoyaasha. Waxgaradka iyo Nabadoonada Gobolka Hiiraan ayaa intooda badan kasoo horjeystay Hadalka ah in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

