Wariye ka Tirsan Tv-ga Universal oo Xabsiga La dhigay

0

Ciidamada Amaanka Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Maanta Xabsiga dhigay Wariye Ismaaciil Cabdi sabriye oo u shaqeeya Tv-ga Universal Tv xaruntiisa Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.

Iskastoo Maanta ay dibadbaxyo ay ka dhaceen Gudaha Magaalada jowhar lama ogo sababaha ka dambeeyay xariga wariyaha ka Tirsan Tv-ga Universal ee Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Magaalada jowhar ee kaga hadlayaan xariga loo geystay wariyihii  Tv-ga Universal Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe Ismaaciil Cabdi sabriye.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here