Sida ay sheegayaan wararka saddex qof ayaa ku dhimatay halka sideed kalana ay ku dhaawacantay qarax gaari oo maanta ka dhacay Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen dad gooob joogayaal ahaa gaariga qarxay ayaa yaalay Carwada Alkowthar oo ku Taala waddada Maka Al Mukarama waxaa qaraxa intiisa badan laga Maqlay xaafada Magaalada Muqdisho,
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya oo xiligaas marayay agagaarka saldhiga degmada waabari ee Gobolka Banaadir,
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka dowlada soomaliya ay kaga Hadlayso qaraxii Maanta waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho kasoo lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo),





