Dowlada wadanka ingiriiska ayaa Maanta dowlada soomaliya ku wareejisay gadiidka ciidanka waxaa lagu wareejiyay gadiidkaas Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini,
Xaflad Lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini safiirka dowlada ingiriiska u qaabilsan wadanka soomaliya Harriet Mathews.
Ugu Horeyntii wasiirka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay soo dhaweynayso gadiidka ay ugu deeqday dowlada wadanka ingiriiska wuxuuna Hadalkiisa ku daray in gadiidka loo isticmaali doono sidii loogu Talagalay,
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi.
Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad




