Faah-faahin ku saabsan qaraxii Maanta ka dhacay Maka Al Mukarama + Sawiro

0

Sida ay sheegayaan wararka saddex qof  ayaa ku dhimatay halka sideed kalana ay ku dhaawacantay qarax gaari oo maanta ka dhacay Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen dad gooob joogayaal  ahaa gaariga qarxay ayaa yaalay Carwada Alkowthar oo ku Taala waddada Maka Al Mukarama waxaa qaraxa intiisa badan laga Maqlay xaafada Magaalada Muqdisho,

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya oo xiligaas marayay agagaarka saldhiga degmada waabari ee Gobolka Banaadir,

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka dowlada soomaliya ay kaga Hadlayso qaraxii Maanta  waddada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho kasoo lala beegsaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo),

Qarax7 Qarax4 Qarax3 Qarax2 Qarax1

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here