Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay In uu caafimaad qabo laacibka Sergio Aguero uuna diyaar u yahay kulanka isniinta ay booqan doonaan kooxda arsenal Halka kooxda laga saaray Kaptanka kooxda ee Vincent Kompany,
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Argentine Aguero ayaa dhaawac garoomada loogu saaray bishii aynu soo dhaafnay ee November kulan ay ka adkaadeen kooxda Southampton wuxuuna seegay kulamadii ugu dambeeyay ay kooxdiisa ciyaartay.
Kooxda Manchester city ayaa habeenka isniinta ay talaadada soo galaysa booqan doonta kooxda arsenal kulan ka dhacaya garoonka Emirates Stadium ee woqooyiga Magaalada London.

