Miguel Angel Nadal : Lionel Messi Waa laacib aan la Hor istaagi Karin

0

Daaficii Hore ee kooxda Barcelona Miguel Angel Nadal ayaa aamisan in uusan jirin ciyaaryahan hor istaagi kara ama celin kara laacibka kooxda Barcelona ahna kaptanka xulka dalka argentine Lionel Messi,

Laacibka kooxda Barcelona ayaa Bandhig wanaagsan lasoo soo baxay xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay kadib markii kooxda Barcelona ay ku guuleysatay koobab badan uu kamid yahay kooxda Champions League iyo Horyaalka dalka Spain,

Barcelona ayaa Todobaadkaan gudihiisa ka hortagi doonta kooxda River Plate ciyaarta Finalka ee koobka kooxaha qaaradaha ama Club World Cup hadii ay Barcelona ku guuleysato waxa ay ka dhigan tahay in macalin Luis Enrique’ uu ku guuleysto koobkiisa 5-aad

Barcelona ayaa bisha February ka hortagi doonta kooxda arsenal kulan ka Tirsan Champions League.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here