Dowlada Canada oo siideysay muwaadin soomaaliyeed oo muddo dalkaasi ku xirnaa. Maxkamada sare ee dalka Canada ayaa siideysay muwaadin soomaaliyeed oo ku jiray xabsi ku yaalo magaalada Toronto ee dalka Canada.
Cabdiraxmaan warsame ayaa muddo 67 bilood amaba 6 sano ku xirnaa xabsiga Lindsay ee dalka Canada.
Cabdiraxmaan warsame oo 52 sano jir ah ayaan lasoo taagin wax maxkamad ah iyadoo dowlada Canada ugu dambeen ay siideysay cabdiraxmaan inkastoo ay sheegtay in dib ay ugu celineyso dalka soomaaliya.
Mr cabdiraxmaan ayaa looheestay in uu si sharci dara ah uu kusoo galay dalka Canada iyadoo dalkaasina uu dambiilo yahay cidii kazoo gudubto xuduudaha dalka Canada , sidoo kalane dalka kusoo gasho qaab sharci daro ah.
Dalka Canada waxaa dagan dad badan oo soomaali ah kuwaasi oo sharciyo ka helay dalkaasi. Xabsiyada dalal kala duwan oo dunida ah waxaa ku jira muwaadiniin soomaaliyeed kuwaasi oo aan lasoo istaajinin sanado badan qaarkood wax maxkamad ah.

