Dhageyso: Maamulka Ahlusuna oo Xiray idaacad ku Taala Magaalada Gurceel

0

Maamulka Ahlsuna Waljameeca ee Gobolada dhexa ayaa goor dhaweyd xiray idaacad ku Taala Gudaha  Magaalada Gurceel ee  Gobolka Galgaduud.

Idaacadda la xiray ayaa Lagu magacaaba Star-Fm waxayna kamid aheyd idaacadaha ka shaqeeya Gudaha Magaalada Gurceel  ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

Agaasimaha idaacada Star Fm ee Gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka ahlusuna in ay yimaadeen xarunta idaacada iyagoona ku amray shaqaalaha idacaada in ay damiyaan idaacada waa siduu Hadalka u dhigay,

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka ahlusuna ay kaga Hadlayaan xariga idaacada Star Fm xarunteeda Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud iyadoona la xasuusto in marar badan xarig loo geystay idaacada Star Fm.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here