Ciidamo Gaaray Labo goobood ay ku Sugnaayeen Maleeshiyo beeleedka ku Dagaalamay Beledweyne

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom, in ay La wareegeen Labo goobood ay ku sugnaayeen maleeshiyo beeleedka ku dagaalamayay maalmihii dambe Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiran.

Wallow uu saakay dagaal mar kale uu ka dhacay Magaaladaas laakin ciidamada dowlada soomaliya oo garab Malatari ka helaya ciidamada Amisom ayaa gaaray Labo goobood ay ku sugnaayeen meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamayay maalmihii dambe galbeedka Magaalada Beledweyne.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan , Maamulka Magaalada Beledweyne, waxgaradka, odoyaasha , siyaasiyiinta iyo xubno ka socda dowlada soomaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa shalay gaaray Magaaladaas iyagoona kulamo la qaatay waxgaradka iyo Maamulka,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here