Faah-faahin:-Gudoomiyaha Guddiga Waxbarashada Hiiraan oo La Toogtay

0

Kooxo Hubeysan ayaa galabta gudaha magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiran waxa ay ku dhaawaceen  Gudoomiyaha Guddiga Waxbarashada Gobalka Hiiraan Dr Maxamed Macalim Cismaan.

Falkaan ayaa ka dhacay  galinkii dambe ee Maanta Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Kooxda dhaawacday Gudoomiye Dr. Maxamed Macalim ayaa waxaa lagu guuleysatay in gacanta lagu dhigo mid kamid ah ragii werarka geystay ,waloow aan faah faahin laga bixin sababta ka danbeysay weerarka.

Dhanka kale Maxamed Macalim Cismaan ayaa lagu dabiibayaa Isbtaalka Beledweyne iyadoo qaar kamid ah ehelkiisa  ay u sheegeen warbaahinta in xaaladiisa ay haatan tahay mid aad u wanaagsan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here