Kooxo Hubeysan ayaa galabta gudaha magaalada Beledweyne ee Gobolka hiiran waxa ay ku dhaawaceen Gudoomiyaha Guddiga Waxbarashada Gobalka Hiiraan Dr Maxamed Macalim Cismaan.
Falkaan ayaa ka dhacay galinkii dambe ee Maanta Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Kooxda dhaawacday Gudoomiye Dr. Maxamed Macalim ayaa waxaa lagu guuleysatay in gacanta lagu dhigo mid kamid ah ragii werarka geystay ,waloow aan faah faahin laga bixin sababta ka danbeysay weerarka.
Dhanka kale Maxamed Macalim Cismaan ayaa lagu dabiibayaa Isbtaalka Beledweyne iyadoo qaar kamid ah ehelkiisa ay u sheegeen warbaahinta in xaaladiisa ay haatan tahay mid aad u wanaagsan

