War Deg Deg:-NISA oo Qabatay Gaari ay Saaran Yihiin Waxyaabaha Qarxa

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA) ayaa Goordhaweyd gacanta ku dhigay gaari ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa oo kusoo jeeday gudaha Magaalda Muqdisho.

Gaarigaan ayaa la sheegay in lagu qabtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in ragga saaran ay doonayeen in ay lasoo galaan gudaha magaalada si ay qaraxyo ugu fuliyaan.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xaqiijiyay in gaariga ay Ciidamada ogaayeen dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay islamarkaana gacanta haatan lagu hayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaliya ay haatan ku wajahan yihiin deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, islamarkaana goobta lagu qarxin doono gaariga.

Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya ayaa kordhiyay beegsiga gawaarida qaraxyo lagu soo dhex qarxiyo, oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gudaha Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here