Maamul goboleedyadda Jubba-land ayaa sheegay in ay baarayaan qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah duqeyn ka dhacday deegaanka Qabri Shariif oo dhanka Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ee Maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in maamulka Jubba-land uu haatan waddo baaritaanka ku aadan arintaas, islamarkaana ay wixii kasoo baxa ay warbaahinta la wadaagi doonaan.
“Mar walba waan ka warqabnaa duqeymaha loo geysto ALshabaab,waxaana la bartilmaameedsadaa saldhigyada ay ka soo duulaan Shabaabka,gaadiidka ay ku safraan iyo meel walba oo joogaan.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubba Maxamuud Sayid Aadan.
Saqdii dhexe ee Habeen Hore Diyaarad dagaal loo maleynayo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka oo ay leedahay Dowladda Mareykanka ayaa duqeysay deegaan dhaca galbeedka magaalada Kismaayo halkaas oo la sheegay in lagu laayay shacab Soomaliyeed iyo xoolahooda.
Illaa shan ruux iyo xoolo u badan geella ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqeystaas ka dhacday deegaanka Qabri Shariif oo dhanka Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ee Maamulka Jubba-land.

