Guddiga Xuduudaha oo War Kasoo Saaray Khilaafka Dhinaca Soohdinta+Dhageyso

0

Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu dadaal weyn ugu jiro  sidii loo xalin lahaa khilaafaad dhinaca soohdinta ah oo ka dhex taagan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan Khaliif Cabdikariim Maxamed oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Guddiga uu haatan ku howlan yahay sidii xal waara loogu gaari lahaa muranka xaduudadaha ee ka dhex taagan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir kadib markii Maamulada Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed Soomaliya ay sheegteen in ay iyagu lagu tirin doono qaar kamid ah degmooyin ku yaala Gobolka Banaadir.

“Arrimaha  Xuduudaha khilaafkooda waa mid jira, Jubba-land, iyo Koonfur galbeed Soomaliya, Hir-shabeelle Iyo Gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Banaaadir, dhamaantooda waan ka warqabnaa, waxaa la kulanay madaxda Maamul goboleedyadaas, sideeda waxaa asal ah dowladda waa mid cusub,anaga waxaan ku howlgali doonaa qodobka 49-aad  xarafkiisa qoraya degmooyinka, markuu dalka burburay kadib waxaa jirey degmooyin lala wareegay, balse iyadoo arintaas la tixraacayo ayaa la kala saarayaa”, ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan Khaliif Cabdikarim Maxamed.

Hadalka Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha federaalka ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay uu jirey khilaafka u dhaxeeya qaar kamid ah Maamul goboleedyadda dalka ka jira,iyadoo Maamulka Hir-shabeelle uu sheegay in lagu tirin  doono degmooyin ku yaala Gobolka Banaadir oo dhanka Woqooyi ee Magaalada ku yaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here