C/Gaas:-“Ciidanka Amniga Haka Feejignaadan Weerarada Al-shabaab iyo Daacish”,

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku booriyey ciidamada amaanka  Puntland in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida, isla markaana ay ka feejignaadaan weerarada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab iyo Daacish ay ka geysan karaan meelo kamid ah Puntland iyagoo ka faaideysanaya isbadalka Puntland ka dhacay.

“Waxaan Ku boorinaya ciidamada qalabka sida ee Puntland, in ay xoojiyaan amniga iyo xasiloonida deeganada maamulka Puntland, isla markaasna ka feejignaadaan dhagaraha ay maleegayaan Al-shabaab iyo Daacish, aad iyo aad ayaa u mahadsantihiin” ayuu yiri Madaxweynaha  maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaasayaa sheegay  inuu golihiisa Wasiiradda kusoo dhisi doono muddada uu ogolaanayo dastuurku, isla markaa  waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu la tashan doono Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

”Taasi waxay i faraysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda kusoo dhiso, muddada uu ii ogolyahay Dastuurku, anigoo la tashanaya Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland uuna qabo Dastuurka Puntland.” ayuu yiri Madaxweynaha Mamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here