Kenya oo Qabatay Madaxii Al-shabaab u Qaabilsanaa Sameynta Qaraxyadda

0

Ciidamada Booliiska dowlada Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen muwaadin dalkaasi u dhashay kaa oo u qaabilsanaa dagaalyahanada Xarakada Al shabaab sameynta bambaanooyinka iyo fulinta weerero qorsheesan oo ka dhaca gudaha dalkaasi.

Booliiska oo ku tilmaamay xubin qatar ah ninkan ay gacanta ku dhigeen ayaa sheegay in lagu soo qabqabtay howlgalo laga fuliyay dagmada Isiolo oo dhacda bariga dalka Kenya waxaana magaciisa lagu sheegay Boru Diba Dibe

Waxaa sidoo kale ciidamada booliiska dowlada Kenya ay sheegeen in intii lagu guda jiray howlgalka  ay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo waxyaabaha qarxa oo laga helay hoyga uu ku noolaa ninkan looga shakiyay inuu katirsan yahay dagaalyanada Xarakada Al shabaab.

” Wuxuu qorsheenayay in uu fuliyo weeraro,waxaana laamaha amaanka ay ogaayeen inuu ahaa qof muhiim u ah Xarakada Al shabaab oo ka howlgasha soomaaliya iyo County-ga Isiolo” sidaas ayaa lagu yiri war ka soobaxay Police-ka dowlada Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey xabsiga u dhigtay dad lagu eedeeyay in ay ka tirsan Yihiin Xarakada Al-shabaab ama ay xiriir la leeyihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here