Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa soo bandhigtay Liiska shaqsiyaadka dagaalyahanada Xarakada Shabaab u qaabilsan waxa la yiraahdo tashkiilinta ama fikrad ka dhaadhicinta dhalinyarada Kenyanka ah ee ku biiraya Shabaab.
Kenya ayaa sheegtay in Ragaasi loo soo tababaray sida loo dhalan-rogo go’aanka dhalinyarada taageersan dowlada, kuwaa oo lagu tashkiilinaayo ku biirida Shabaab.
Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray feejignaan dhanka amaanka ah, waxa uuna Boolisku sheegay in gudaha Kenya lagu arkay 6 kamid ah dhalinyarada ay Shabaab usoo wakiilatay dhalan-roga dhalinyarada.
Liiska Booliska Kenya oo helay xogta Ragaasi
1-Abdullahi Jarso Kotola. 2-Hassan Jarso Kotola. 3-Hassan Abdalla Mushi. 4-James Kimanthi Masai. 5-Hamisi Swaleh Abdalla. 6-Rama Mbwana Mbega.
Dhanka kale Booliska ayaa sheegay in Ragaasi uu kor ka maamulo ninka lagu magacaabo Abdullahi Jarso Kotola oo ka yimid deegaanka Marsabit, waxa uuna xilalmuhiim ah usoo qabtay dagaalyhanada Xaraada Shabaab.

