Maamulka Galmudug ayaa ka digay dagaal ka dhaca deegaanka xiraale ee gobolka Galgaduud kadib markii maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna shalay degaankaasi ay geeyeen ciidamo iyo Baabuurta dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Muxudiin Sheekh C/laahi sunni oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay ka warqabto colaada laga abaabulayo deegaanka Xiraale oo shalay ay gaareen Ciidamo ka Tirsan Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe.
Waxa uu sheegay Muxuydiin in Galmudug aysan hurin doonin colaada Ahlusuna ay wado kadib markii Ciidamo badan ay geeyeen deeganka xiraale ee Gobolkaas, wuxuuna ugu baaqay Odoyaasha iyo waxgaradka deegaankaas in ay ka shaqeeyaan sidii Ahlusuna loogu saari lahaa halkaas.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Maamulka Galmudg Muxudiin ayaa sheegay in dhawaan magaalada Cadaado oo ka Furmi doono Kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka galmudug kadib markii uu soo dhamaaday fasixii ay ku maqnaayeen Xildhibaanada.

