Dowladda Masar oo Soomaliya u Balan-qaaday Taageero Malatari

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia Gen: Maxammed Axmed jimcaale(Cirfiid) oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidanka Masar Gen:Maxammed Xujaasi,waxayna si kawada hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka Lagu jiro Ururada Islaamiyiinta sida Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen:Cirfiid ayaa ku dheeraaday dagaalka ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan al-shabaab iyo guulaha ilaa iyo haatan laga gaaray,wuxuuna militariga Masar ka codsaday in ay ciidanka xoogga dalka Somalia ka xasilinta waddanka iyo dagaalka al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Masar ayaa sheegay in Masar ay ku jirto dagaal lamid ah kan Somalia ayku jirto,kaasi oo ah cirib-tirka argagixisada,balse wuxuu xusay in militariga Masar ay kudhowyihiin in ay gebi ahaanba soo af-jaraan kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya Jasiiradda Sinai ee dalkaasi.

Taliyaha ciidanka Masar ayaa ballanqaaday in ay Somalia ka caawinayaan la dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale taba-barka ciidanka,wuxuuna tilmaamay in iskaashiga militeri ee labada dal uu muhiim u yahay amniga gobolka iyo kan qaaradda Afrika.

Dowladda Masar oo khilaaf dhanka biyaha kala dhexeeyo Ethiopia ayaa doonaysa in ay galaan-gel ku yeelato gobolka Bariga Afrika,gaar ahaanna Somalia,dhinacyada militeriga iyo siyaasadda,si ay xulufo ugu yeelato geeska Afrika.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here