Khaatumo oo Ka Digtay Shir Laga Abaabulayo Magaalada Muqdisho

0

Mas’uuliyiinta ka Tirsan Maamulka Khaatumo State oo Shir Saxaafadeed  qabtay ayaa ka digay shir la sheegay in Lagu qaban doono Magaalada Buuhoodle ee  xarunta gobolka Cayn kaasi oo laga soo qaban-qaabiyay Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan waxa ay sheegeen in ay jiraan madax-dhaaameedyo iyo siyaasiyiin ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuwaas oo sheegay in shir beeleed lagu wiiqayo maamulka Khaatumo ay sheegeen in lagu qabanayo Buuhoodle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu horeyn sheegay in ay jiraan siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed Muqdisho ka hadlay oo sheegay in ay shir ku qabanayaan Buuhoodle kaas oo uu tilmaamay in aanay suuragal ahayn., islamarkaana Talaabo laga qaadi doono cidii arintaas ku dhaqaaqda.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay qaar badan oo ka mid ah wasiiro, Xildhibaano iyo waxgarad dhamaantood si iskumid ah uga soo hor jeestey shirkaa la sheegay in uu ka dhici doono Buuhoodle.

Shirkan ayaa waxaa xili sanad ku dhow ka hor iclaamiyey inta badan madaxda dhaqanka ee degaanada Khaatumo sheegato in ay metesho kaas oo dhawr jeer dib u dhac uu ku yimid oo ay inta badan abaaro daba dheeraaday ay sabab u ahaayeen.

Waxaan haatan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya Ku sugan madax-dhaqameed iyo in badan oo ka mid ah siyaasiyiintii aasaasay Khaatumo oo saluug ka muujiyey wadahadalada Khaatumo iyo Somaliland u socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here