Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidameeda ay weerar Culus oo dhanka cirka ah ku qaadeen kaymo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo ku yaalla xadka Kenya iyo somalia.
Ciidanka Dowladda Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM waxay sheegeen in al-shabaab oo aad u hubaysan ay kaymahaan kujireen,islamarkaan ay ka soo qaadi jireen weerarrada ka dhaca gudaha Kenya oo uu kamid yahay weerarkii dhowaan lagu dilay 9 qof oo shicib iyo saddex booliis ah magaalada xeebta leh ee lamu oo ku taalla bariga dalkaasi.
Sidoo kale Militariga kenya waxay tilmaameen in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn xoog leh ka geysteen kaymaha Boni oo lagu tuhunsan yahay in Al-shabaab ku dhuumanaysay,waxana weerarkaasi bilowday aroornimadii hore ee Isniinta.
Ciidanka Kenya ma sheegin tirada khasaaraha ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab,balse waxay hadalkooda ku sheegeen in hawlgaku uu ahaa mid guulaystay.
Dowladda Kenya ayaa sabtidii bandow saddex bilood ah ku soo rogtay degaannadii dhowaan shabaabku weeraray ee xadka kenya iyo somalia ku yaala, kuwaasi oo ah halka ugu badan oo weerarka lau qaado.

