Dowladda Kenya ayaa Bandow 90-cisho ah kusoo rogtay deegaano ka tirsan Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya sababo la xiriira dhanka amniga.
Deeganada bandow-ga Lagu rogay waxaa kamid ah Lamu,Taanarifa, iyo Gaarisa oo ka tirsan Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ku yaala, sababta ayaa lagu sheegay in la adkeenayo amniga deegaanadaas oo weeraro ay ka geystaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa Shalay ka dhacay Deegaanka lamu ee Gobolka Woqooyi ee dalka Kenya, 9-qafood oo shacab u badnaa ayaa la xaqiijiyay in weerarkaas ay ku gowraceen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
