Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa ku waramaya in Meyka nin aan la aqoonsan Saakay uu yaalo Saldhiga Booliska deegeankaas.
Ninkaan oo Meydkiisa Xalay laga helay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay in markii hore loo geeyay qoys degan isla deegaanka Ceelasha Biyaha balse saacado kadib ay kusoo celiyeen Saldhiga Booliska Degmada kadib markii ay sheegeen in aysan aqoonsanin waxa uu yahay Meydka.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa idaacadda Simba u sheegay in meydka xalay laga helay Gudaha Degmada qoyska loogu shakisnaa markii loo geeyay iska soo celiyeen, haatana uu yaalo gudaha Saldhiga Degmada lana geeyn doono xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho si baaritaano loogu sameeyo.

