War Deg Deg:-Mas’uul Ka Tirsanaa Dowladda oo Lagu Dilay Muqdisho

0

Kooxo Hubeysan ayaa Galabta Xaafadda Xamar Bille ee Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Rag hubeysan ayaa la sheegy in ay weerar ku qaadeen Saciid Kaarshe oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaliya xili uu ku sugnaa gudaha Xaafadda Xamar Bille ee Degmada Warta-nabadda.

Ragga Dilka Fuliyay ayaa la sheegay in Saciid ay ku dhufteen Dhowr xabadood, isla Goobta goobta uu ku Naf Baxay.

Sidoo kale waxaa goobta isaga baxsaday ragii dilka geystay  sida qof kamid ah qoyskiisa uu u sheegay  idaacadda Simba.

Ala Ha U Naxariistee Saciid Kaarshe ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay ka badbaaday isku day oo la doonayay in lagu qaarajiyay xili uu la socday qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda oo marayay isla Degmada Warta-nabadda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here