Farmaajo oo Ka Hadlay Mowqifka Dowladda ee Saldhiga Magaalada Berbera

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mowqifka Dowladda Soomaliya ee Saldhiga Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil oo Dowladda Imaaraadka Carabta ay heshiis kula wareegtay muddo 25-sano ah.

Isagoo khudbad ka jeedinayay  Xafladda Furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo shalay la qabtay  ayuu sheeegay madaxweyne Farmaajo in aysan dowladiisa waxba ka ogeyn heshiiskaas.

“Sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya qodobka 7-aad farqadiisa labaad, afaraad iyo shanaad,waxaa waajib nagu ah ilaalinta madax banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,waxaan cadeenayaa in bilowga howshaan ay ka horeysay 8-dii bishii February 2017-ka, sidaas darteed dowladda waxay ku howlan tahay sidii ay u heli laheyd xog dhameystiran oo la xiriirta arintaas”, ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in markii ay xogtaas soo ogaadaan ay la wadaagi doonaa Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya si ay jawaab kaga bixiyaan dhankooda.

Dhawaan Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa qoraalo ku saabsan Saldhiga Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil waxa uu u direy Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya.

Heshiiska Saldhiga Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil ayaa dhacay xiligii ay jirtay dowladii Xasan Shiikh Maxamuud, warar soo baxayay dhawaanahaan ayaa ku waramayay in heshiiska uu wax ka saxiixay Raisulwasaarihii hore ee xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo haatan kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here