Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa ku amray Hay’adaha amaanka Maamulkaas in ay ka hortagayan Lacago la Sheegay In laga duubulayo Gobolada Dhexe ujeedkana auu yahay sidii loo geyn lahaa deeganada maamulkaas.
Cumar Faraweyne oo fulinaya amar kasoo baxay gollaha wasiiradda dowladda Puntland,ayaa tilmaamay Puntland iyo shacabkeeda in lala damacsan yahay sicir barar xoogan oo aysan kasoo kabsan, arrintaas oo ay ka dambeeyaan dagaalyahanada Xarakada Alshabab oo gobolada dhexe ka mamnuucday isiticaalka lacagta shilinka Soomaaliga, iyagoo dadka amray inay isticmaalaan Dollar.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay inay masuuliyad xoogan iska saarayaan sidii shacabka looga badbaadin lahaa dhagarta Xarakada Al-shabaab, isagoo wacad ku maray cidii lagu helo iyadoo lacago Shilin Soomaali ah usoo daabulaysa Puntland la marindoono ciqaab adag waa siduu hadalka u dhigee.

