Wararka ka imaanaya Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warmaya in rag looga shakisan yahay in ay ka Tirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay dileen lix askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Degmadaas.
Ciidamada la dilay ayaa la sheegay in ay Ilaalo u haayeen Gudoomiyaha Degmada Halgan ee Maamulka hir-shabelle islamarkaana ay jidka u galeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ku sugan meel aan sidaas ugu fogeyn degmadaas.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay dhimashada 6-askari ee ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya, islamarkaana ay haatan wadaan baaritaanada ku aadan sida sahalka ah ee loo dilay askartaas.

